Madaxweynaha dowlada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay waxgaradka Somaliland ayaa sheegay in Isimadda Dhulbahante ay aqbaleen in lagu kulmo magaalada Yagoori oo ah duleedka magaalada Laascaanood.
Hadalkaas waxaa durbadiiba beeniyay Garaadyada beesha Dhulbahante oo aanu qaarkood la xariirnay.
“Isimo aan dirnay ayaa Sabtida tagaya magaalada Yagoori, inkastoo ay jiraan kooxo Isimo ah oo halkan jooga oo sharuudo wata, mase ka yeelayno sharuudahooda, Yagoori-halkaas ayuu shirku ka furmayaa, Isbitaalka Yagoori ayaa lagu shirayaa oo lagu wada hadlayaa- amniga waxaa sugaya ciidamada Garaadada la socda, waxaan ku niri’i Isimada Laascaanood taga oo calamo-cad qaata, haddii aad dhimataan wiilasheenaba waa dhimanayeen” ayuu yiri Madaxweyne Muse Biixi oo ka hadlayay Madaxtooyada Hargeysa.
Maalintii 12aad ayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha Dhulbahante isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood halkaas oo uu ka socday dagaal culus