Isgooyska Zoobe oo Taallo lagu Xasuusto Masiibadii 14-ka October laga Dhisay(SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

iyadoo la filaayo in Magaalada muqdisho lagu qabto Munaasabado lagu xusaayo qaraxii Masiibada reebay Ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho ee dhacay 14-kii October 2017.

Sida la wada ogsoon yahay Qaraxaas ayaa waxa uu noqday kii ugu dhimahsada badnaa taariikhda Soomaaliya waxa ayna Umadda Soomaaliyeed ku waayen ku dhawaad Kun ruux oo dhakhaatiir u badnaa.

Goobta uu ka dhacay Qaraxa oo aheyd dhexbartanka Isgooska Zoobe ayaa waxaa laga taagay Taalo lagu xusay qaraxii 14 October ee sanadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen dadbadan oo qaarkood lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Dadkii ku dhintay xasuuqa Dowladda Soomaaliya ayaa xus u sameysaneysa waxaana maalintaasi shaqa joojin doona dhamaan xarumaha dowlada si loo weyneeyo maalinta xanuunka badan.