MW Farmajo oo Amray in Isgaarsiinta Baydhabo oo hawada laga saaro iyo Dagaal Culus oo laga maqlaayo

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleeyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Isgaarsiinta Magaalada Hawada laga saaray islamarkaana la maqlaayo rasaas culus.

Amarka isgaarsiinta Baydhabo hawada looga saaray ayaa waxaa bixiyey MW Farmajo oo amray in Baydhabo gacanta lagu dhigo oo ay ciidamada Itoobiyaanka ah wada qabsadaan kadibna lagu wareejiyo ciidamo isaga ka amar qaata. Arintaan waa bilowga kalitalisnimo sameysmeysa, waxaana laga rabaa dhammaan shacbiga Somaliyeed iyo dawlad goboleedyada inay u diyaargaroobaan in halkooda ay ugu iman doonaan ciidan Eriteryaan ama Itoobiyaan ah oo xasuuqi doona.

Waxaa Baydhabo ka dhacaya waa xasuuq iyo tacadi ay ciidanka ajnabiga ah ku ku kici doonaan sidi wixii Xamar ay ka geysteen 2006 waxaana laga jaray dhammaan xiriirkasta oo wax lagu ogaan lahaa. Madaxda reer K/Galbeed oo uu Guddoomiyaha Barlamanka ku jiro waxaa saaran Mas’uliyad inay u istaagaan difaaca dadkooda.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay MUQDISHO ONLINE in gudaha magaalada laga maqlaayo daryan culus oo rasaas ah,lama garan karo qolyaha rasaastaasi is dhaafsanaayo,balse waxaa ay dabasocotaa xariga rooboow.

Waxii kusoo kordha lasoco

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!