Iscasilada Gudoomiye Jawaari Waxeey ka dhigan Tahay Fashilka Dowladda Farmaajo??

Reading Time: < 1 minute

Iyado Maanta uu Warqadiisa is casilada uu u gudbiyay Gudoomiye Jawaari Madaxweyne Farmaajo aya waxa ay arintaasi ay tahay in mid ay ku Fashilan yihiin Dowlada Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyaha ka yahay.

Fashilka heysta Dowlada Madaxweyne Farmaajo aya ah in Hey’adaha Dowlada ugu waa weyn uu iscasilo iyado uu Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu ku cadaadiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu is casilo arintaasi oo ah Xaglin Madaxweynaha uu u Xagliyay Xukuumada Soomaaliya.

Is Casilaada Gudoomiye Jawaari aya ka dhigan in Xisbigii Gudoomiye Jawaari Weeraray kuna qasbay in uu is casilo,waxa u fudud in ay Weerar ku qaadan Madaxweyne Farmaajo oo ay Xilka ka tuuraan.

Isku dayga ay wadan Xasan Cali Kheyre Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya iyo garabkiisa aya waxa uu u muuqda mid ay ku doonayaan in ay ku xaalufiyaan Hey’adaha Dowlada kuwooda ugu waa weyn iyado Madaxweyne Farmaajo arinkiisi uu u muuqdo Mid godkiisa uu biyaha ugu soo galay.

Xukuumada Xasan Cali Kheeyre aya ku qiyaameyneysa Xubnaha Saaxibada ay ku yihiin Dowlada ee Xilalka haya iyado uu Xaalufinta ka so bilaabay Gudoomiye Thaapit Cabdi oo weerar culus ku qaaday,Jawaarina uu maanta ku cadaadiyay in uu is Casilo.