Iscasilaada Guled Saalax oo dhaawac u gaysatay hamiga MW Deni ee heer federaal

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, ayaa sheegay inuu waraaqda is casilaadiisa uu maanta u gudbiyay xubnaha Guddiga TPEC, iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, kaddib markii ay ka horyimaadeen duruufo sababay inuu goosto in ka tagista xilka.

Guuleed oo ahaa qofkii hogaanka u hayay Doorashada gudaha ee Puntland ayaa loo eedeynayaa in ay iscasilaadiisii ay timid ka dib faragalin uu Saciid Deni ku sameeyay howlaha gudiga Doorashada.

Guuleed Saalax oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa xusay in uu jeclaa kamid ahaanshaha Guddiga TPEC, balse duruufuhu ay ka hor istaageen, waxaana uu intaas ku daray inuu qaadayo masuuliyadda wixii ka khaldamay Guddiga mudadii 2 sanno iyo barka ahaa ee uu hoggaaminayay.

“Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.”

Saalax ayaa loo doortay 25, August ee sanadkii 2019kii, Guddoomiyaha Guddiga TPEC, oo uu soo magacaabay Madaxweyne Deni 17, August, waxaana mudadii uu hoggaaminayay Guddiga TPEC uu ku guuleystay qabashada doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo si hordhaca ah loogu qabtay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Is-casilaada Guddoomiye Guuleed Saalax Barre ayaa kusoo aadaysa xilli ay Xukuumadda Puntland weli aysan dhameystirin doorashadii Golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, oo qabsoomay 25, October, 2021 ayna soo doorteen shacabka saddexda degmo.

Saciid Deni ayaa waxaa ku soo furmayo mowjado siyaasadeed ee ku qasbi doona in uu ka tanaasulo hamigiisa hogaamineed ee heer federaal ah.