Waraaqda ka soo baxday Xafiiska wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha Somaliya waxaa ka muuqata arrimo sharciyeed in si frican logos firmado mudan:
- In wasiir uusan beeneyn Karin ama uusan ka hor iman Karin R/Wasaarihii magacaabay iyadoo wali uu R/Wasaaruhu xilka sii hayo. Waa sharcidarro.
- Waxaa cad in Distuurka iyo shuruucda dalka meel looga dhacay oo qeyb dalka ka mid ah loo saxeexay dalal ajnabi ah. Waa sharcidarro.
- Haddii heshiiska uu yahay waxba kama jiraan waxaa dalka lagu saxeexayey joogay R/Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Cali Kheyre ,hasa yeeshee ilaa iyo hadda oo ah maalintii labaad waxba ka oran heshiiska. Waa xilgudasho la’aan.
- Waxaa muuqata in dawladdu isku dhexyaacday oo ay dhabarka iska wada tooganeyso oo wasiir uu beeneynayo R/Wasaare wali ay nala tahay inuu xilka hayo haddaan xalay si qarsoodi ah xilka looga qaadin walisa aan la shaacin.
- Waxaa kaloo muuqata in kooxda Xamar joogtaa ay isku dayayaan inay iska badbaadiyaan carada xoogga leh ilaa iyo shalay ka soo baxeysay xildhibaannada kuwooda waadiniyiinta ah iyo shacbiga Somaliyeed marka laga reebo kooxda madaxtooyada ay laaluushaan oo mushaarka joogtada qaata, baaburta aan xabadda karina loo gaday.
Ugu daambeyn waxaa la filayaa in uu arrinkaan keeni karo isbadal muuqda oo dlkaan ay u soo istaagaan dadka iska leh, waana khiyaano qaran waxayna ahaan kartaa laba midood a) in xukuumaddu ku dhacdo iyo b)in madaxweynaha loo qaado codka kasoonida. Waxaa kaloo isna aamusan gudoonka Barlamanka oo inoo sheega inay ilaalinayaan iyo danta dalka.
R/Wasaaraha waxaa uu joogay dalka imaaraadka waant kan imago la sawiran xoghaynta Muusa Biixi.
MOL waxay aad uga warsugeysaa waxyaabaha isa soo taraya ee hadda ka socda xaruunta madaxtooyada iyo tan guddoonka golayaasha shacbiga.