Isbaheysi ka dhan ah musharaxnimada Saciid Deni oo Muqdisho looga dhawaaqay

Reading Time: 2 minutes

Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magalaada Muqdish xaflad aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban qabaqabiyeen isimo, siyaasiyiin iyo waxgarad  ka soo jeeda Puntand. Xafladaan ayaa ahayd mid loogu magac daran “ Baadbadinta iyo Samata bixnta Puntland”.

Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen dad magac ku dhexleh bulshada Puntland ee ku dhaqan magalaada Muqdisho ayaa umadda Soomaaliyeed looga digay in ayan ku kadsoomin Saciid Deni.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ee dowladii Kacaanka  Aadan Maxamed Cali ayaa uga dhigay uamadda Soomaaliyeed inay Saciid Deni ku aaminin hogaanka dalka

” Puntland nin baa bi’iyay oo aakhiro u diray, ninkaas ayaa Soomaaliya u soo socda “ ayuu yiri Wasiir Aadan.

“Waxaa jirta oo siyaasiyiinta iyo indheer garadku isla dhex mareyaan in taliska fashilmay ee Puntland ay ka dhigteen jaranjaro ay ku garaan hadafkooda oo keliya laakin aysan wax dan ah uhayn ummadda reer dal udug” Sidaas waxaa yiri Mohamed Mahad Ali.

Sidoo kale Shirweynaha Samatabixinta Puntland ayaa ku baaqay in Saciid Deni uu iska casilo xilka Madaxweynaha Puntland, maadama uu yahay Musharrax Madaxweyne.