Isbahaysi siyaasadeed oo ka horyimid Abiy Axmad iyo qorshahiisa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa isa soo taraya mucaaradka ka soo horjeedo isbahaysi xisbi uu dhawaan ku dhawaaqay Ra’iisal Waraasaha Itoobiya Abiy Axmad ah. Siyaasiyiin isugu jirta kuwo hore iyo kuwa cusub ayaa  ku tilmaameen  Isbahaysiga Abiy Axmad mid ‘sharci darro ah’. Siyaasyiinta isbahaysay ee ka soo horjeestay Abiy Axmed ayaa waxaa ka mid ah xibiga weyn ee Tigray (TPLF).

TPLF ayaa horay uga mid ahaa isbigaysiga hadda maamulka haya oo ka koobnaa afar qowmiyadood. Balse waxa ay diideen inay ka mid noqdaan isbahaysiga cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, oo lagu waday inay qayb ka noqdaan afar xisbsi. Balse diidmada TPLF ee ka qayb noqoshadaxisbiga PP ayaa dhibaato u horseeday Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa soo wajahay culaysyo siyaasadeed oo keeni kara in uu iska casislo hogaanka dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!