Isbahaysi sadax geesood ah iyo Abaabul ka dhan ah MW Farmaajo oo si xoowli ah ku socdo

Reading Time: 3 minutes

Waxaa labadii bilood ee u danbeeysay ka socday magalaadda Muqadishu abuuritaanka isbahaysi siyaasadeed oo u dhaxeeya  hogaanka Baarlamaanka iyo hogaanka xukumadda. Isbahaysigaan oo si qarsoodi ah lagu waday in mudo ah ayaa waxaa uu soo gaaray xiligii uu dibadda u soo baxi lahaa. Isbahaysigaan oo uu qaban qabadeeda lahaa RW Xassan Cali Kheyre ayaa ah mid looga gol leeyahay in lagula dagaalamo Madaxweyne Farmaajo isla markaana tagaeero buuxda lagu siiyo RW Kheyre.

Gudmoomiyah Baarlamanka Mudange Maxamed Mursal ayaa bilaabay in uu fakarka ka iibiyo xildhibanadda qunyar socodka ah ee u janjeera dhanka RW Kheyre. Gudoomiye Mursal oo la hadlay qaar ka mida xildhibaanadda ayaa sheegay in MW Farmaajo caqabad ku yahay horumarka dalka iyo dadka. Gudoomiye Mursal ayaa yiri “Somali waa ay ku qasaartay Farmaajo, mana qabo uu leeyahy qayimkii Somali lagu hogaamin lahaa, waxaan rumaysanahay in RW Kheyre yahay shaqisaga isku wado karo goloyaasha iyo dowladda guud ahaanteedba”

Dhanka kale waxaa barnaamjidkaan qeybtiisa ugu wayn wada Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Cabdiwali Muudeey.  Qofka ka dambeeya tabagalinta qorshahaan isla markaana abaabulka hoos ka wada waa Gudoomiye ku Xigeenka Mudane Cabdiwali Muudeey.

RW Kheyre oo ah shaqsi ku dheereeya musuq-maasuqa iyo iibsashada shaqsiyaadka damaca dhaqaale ku dheereeya ayaa waxa uu ku guuleystay in uu labadda nin (Muudeey iyo Mursal) uu taageeradooda lacag badan ku iibsado. Labada nin ayaa ah shaqasiyaad dowladnimadda u arka ganacsi isla markaana doonaya in ay beeciyaan barlaamaanka. RW Kheyre oo faham buuxa ka haysta baahida iyo musuqa laba shaqsi ayaa waxa uu si farsameysan u gatay taageradooda.

Haddaba waa maxay ujeedadda isbahaysiga sadax geesoodka ah;

  • Waxa ay sadaxda dhinac isla garteen in mooshinka Baarlamanka loo weeciyo MW Farmaajo si culays siyaasadeed isaga loo saaaro taas oo keeni doonta in MW Farmaajo uu difaac ka soo doonto isbahaysiga sadax geesoodka ah is markaana noqodo mid u adeega danaha isbahaysiga.
  • In isbahaysiga sameeysto xisbi ay ku wada midaysan yihiin sadaxda dhinac, kaas oo uu si toos ah u maalgalin doono RW Kheyre isla markaana uu isaga hogaan u noqon doono.
  • Taabagalinta Xisbiga ayaa bilaabanayso horaanta sanadka 2019. Tani waxa ay fursad u siinaysaaisbahaysiga in  ay kula dagaalamaan isbaheysiga uu sameeystay Madaxweyhii hore Xassan Shiikh Maxamuud.
  • Maxamed Mursal oo doonayo in uu hanto hogaanka beesha Digil iyo Mirrifle ayaa RW Kheyre u balan qaaday in uu ku taageeri dhaqaale iyo mid siyaasadeedba siin doono Gudoomiye Mursal. Dhanka kale waxaa Gudoomiye Maxmed Mursal la siin doonaa awood uu kula dagaalo MW Sharif Xassan oo laga yaabo in dib loo soo doorto. Gudoomiye Mursal oo taageero buuxda ka haysto RW Kheyre aya horay  ugu guulaystay in uu is hor istaago in Sharif Xassan walaalkiis loo magacaabo Safiirka Somaliya ee Koonfur Afrika. Gudoomiye Mursal ayaa magacaawday qof uu isaga wato.

Sida dhawaan soo shaaci bixi doonta  Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa qorshaynaya in uu taageero ama fududeeyo  mooshin laga keeno MW Farmaajo kaas oo ujeedadiisu tahay in looga hortago mooshinka haysta aqlabiyadda barlamaanka ee la donayo in laga keeno RW Kheyre.

Sida dhawaan soo shaaci bixi doonta  Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa qorshaynaya in uu taageero ama fududeeyo  mooshin laga keeno MW Farmaajo kaas oo ujeedadiisu tahay in looga hortago mooshinka haysta aqlabiyadda barlamaanka ee la donayo in laga keeno RW Kheyre.

Gudoomiye Mursal iyo ku Xigeenkiisa Cabdiwali Muudeey ayaa waxa ay u gudbiyeen RW Kheyre  liiska magacyadda ay doonayaan in uu shaqaaleeysiiyo ama uu mushaar joogta ah siiyo si ay taageero buuxda ay u siyaan isbahaysiga sadaxgeesoodka ah. Liiska aya waxaa soo gudbiyay xildhibaano iyo shaqsiyaad hada si dadban  ula shaqeeyo Isbaheysiga.

Xogta kor ku qoran waxaa laga soo xigtay wareeysiyo  toos ah iyo kuwo dadban oo  ay MOL la yeelatay  qeybaha kala duwan  ee ka tirsan ama ku dhaw-dhaw abaabulka isbahaysiga cusub.