Waxay ahayd hay’ad laga cabsado laakiin maanta waa hay’ad lagu farxo looguna ribeeyo cadowga siga geesiyada Sooma jeestayasha ah ee CXDS. Waxay dadka Somaliyeed tusiday in ay tahay hay’ad ummadda u adeegta ee aan ka adeegan, hay’ad ummadda dhibka ka uga gargaarta ee aan iyadu dhibin, hay’ad loo cawdo ee aan laga caban.
Hay’aaddaan waa jirtay ilaa 1970 waxaysa ahayd hay’ad laga cabsado, mahadi haka gaartee MW Xasan Sheekh oo tilmaamo cad cad siiyey ayaa u magacaabay hogaan la isku hallayn karo oo la hubo inuu yahay shakhsi ay ka go’an tahay inuu dalka u adeego isla markaana ku hogaamiyo hay’adda waado saxan oo aan ummadda lagu dhibin.
Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee uu MW Xasan sheekh Magacaabo maantna laguama khasaarin. Muqdisho oo ahayd goob ay Shabaabka ku dilaan habeen walba dhowr qof toddobaad walbana qarax ka ridaan maanta waa meel aad iyo aad uga sii wanaagsaneysa maalinba maalinta ka dambeysa. Waxaana mahadeeda loo celinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay.
Sirdoonka Caalamiga ayaa waxay bilaabeen inay la shaqeyaan NISA kadib markii uu agaasimaheeda sharciyad u sameeyey oo uu caddeeyey wajibaadkeeda kaas oo uu qof waliba ogaan kaaro. Sidoo kale waxaa dadka Somaliyeed iyo hay’adaha Sirdoonka Caalamiga ah dhiirrigeliyey Hawlaha qiimaha leh ee ay ka qabatay la dagaallanka shabaab.
Waa wax wanaagsan in Maanta in albaabada loo furo Sirdoonka Soomaaliya waxaana kuugu filan tusaale hubka iyo sanaadda lagu qabtay dekadda Muqdisho maalmahan iyo kuwa bakaaraha loogu tagay oo ka timid iskaashi caalami ah oo ay hay’adda la yeelatay hay’ado sirdoon iyo sirdoonkeeda gudaha oo iyagana hadda taako taako ula socda cadow kasta Somali kireysan iyo ajnabi korsaaran kuu rabo haa noqdee. Qof waliba oo umadda dhibi raba maanta wuxuu ku fekerayaa waxaa kuu jeeda NISA ee is ilaali.
Dhacdooyinka lagu diirsaday waxay keeneen in maadaxda hay’adda lagu casuumo caasimado waaweyn oo aysan sirdoonkeenna muddo dheer tagain si loola wadaago xogo muhiim u ah bad qabka umaadda Somaliyeed iyo la dagaallanka Aragagixisada nooc kasta oo ay tahay, sidoo kale waxay beeneysaa qoraallo iyo muuqaallo ay fidin jireen kooxo waddaniyaadda iibsadaa oo u adeegsada dhadhammo yar oo ay maalintaas ku helaan sirta ay bixiyeen iyo beenta ay faafiyeen, kuna dacaayadeyn jireen agaasimaha Hay’adda Mudane Mahad Salad si looga duwo jidka quman ee uu hay’adda saaray.
MW Xasan sheekh ayaa isagana aan isha ka qaadin hay’adda si looga ilaaliyo inay ku xadgudubto shacbiga oo aan in muddo ah hay’adda aaminin balsa maanta arkay qiimaha ay leedahay hay’ad sirdoon oo dalkeeda ugu shaqeyneysa sida shuruucdeeda ku qoran.