Isbadalka Ka Socda iyo Falnaqyada Ka Ka soo Baxaya oo Xanuun Badań. Akriso

Reading Time: 3 minutes

Isbadallada dalka ka dhacayaa waxay la imanayaa culeysyo ama falnaqyo (Reations) dhinacyo badan leh, waxaana la hubaa in qarkood ay keeni karaa gefef ka yimaada hay’adaha dowladda, ciidamda  kala duvan ee hawlaha fulinaya Iyo Shacbiga laftiisa. Shacbiga iyo madaxda dalka waa inay ku baraarugaan in arriamahan la wajaho lagana  hadlo si la isugu baraarujiyo ee aan la fudueysan, hadji kale waxaa lala tacaali donaa falnaqyadaas.

Shacbiga waxay is bidiyaan inay xurriyad u soo korortay oo ay ciidamda ka hor iman karaan halka ciidamada ay dereemi karaan in awooddoodii lama taabtaanka ahayd lagu soo xadgudbay oo ay shacbiga iska edbiyaan, waana waxa keenaya dilalka teelteelka ah ee ay dhacaya beryahan.

MW Jamhuriyadda, Mudane Xasan Sh Maxamuud  waxaa laga rabaa inuu shacbiga kala hadlo mar kale iyo mar kale laamaha warbaahinta una jiheeyo dadka Somaliyeed inuu dalka dagaal dhinacyo badan ah uu ku jiro oo aan tacdiyo laga baaqsan karo loo dul qaadaneyn iyo in xabbadaha ciidanka ay dili kartaa oo kaliya cadow ee aysan qof shacab dili Karin, haddii ay dhacdana uu ka dhalanayo cawaaqib xanuun badan oo cashar adag u noqda cid walba oo wax dili karta.

Tuugada dadka Isbaareysta ee isticmaala hub nooc kasta oo uu yahay, ciidmada Isticmaala Xabadaha nool ee shacabka ku dila Iyo dableyda dadka iska dila waa loo dilayaa iyagana  waana sida  uu qabo xeerka ciqaabta Somaliyeed oo saldhigiisu yahay shareecada Islaamka , waana bilaabatay ina ln lagu fuliyo ciddii lagu helo fallada noocan ah. Haddaba naftaada u Max inta aadan fal dil keeni karaa gelin.

Dawladda waxaa ku Khasab ah in la dhaqageliyo caddaalladda inta ugu badan ee la awoodo, halka shacbiga laga rabo inay dul qaad muujiyaan lana shaqeeyaan ciidamada iyo hay’adaha sharcifulinta.

Haddaba haddii la soo koobo dhibaatooyinka la filan karo ee hadddaba jiraa waxaa ka mid ah:

  1. In Ciidamada ay isticmaalaan awood xad dhaaf ah oo aan loo baahneyn sida xabad iyo jirdil keeni kara dhaawac loo geysto shacbiga kaas oo ay ka dhalan karo fowdo intaan ka ballaaaran oo ay shabaabka ku soo dhex dhuuntaan kana faa’iideystaan cadowga shabaab.
  2. Hay’adha dowladda oo aad looga cabanyo inuu ka jiro ragaadiyey musuqmaasuq baahsan oo runtii xanuun badan leh, keenayana inay dadku ka lunto kalsoonida waana waxa keenaya inay shabaabku helaan marmarsiiyo. Tusaale :
    1. Qof doontay Wax aan loo baahneyn in dukumenti ama waraaq lagu xero oo haddana lagu xero si qofka uu laaluush u bixiyaa illeyn waxbaa ka xayirane.
    2. Maxkamadaha Saldhigyada boliiska, CIDa, Waaxda Socdaalka iyo dowladda hoose ayaa waxaa la leeyahay waa hay’adha ugu daran oo aysan waxba kaaga dhamaaneyn haddaan laaluush la bixin.
    3. Gal dacwadeed shan jeer la kala xukumsanaday, kaas oo lagu kala qaatay laaluush shan jeer ka qiimo badan waxa la isku haystay haddii uu hanti maguuurto ama wax kale ahaa.
  3. Dadka kuwooda nugul oo loo nugleeyo cadow oo ay Meesha ka baxdaa erayga looma ooyan iwm oo keenaya in shabaab lala aado dacwadda waayo waxaa horay loogu amaanay kala goynta shayga hal mar, xukunkoodu inuu xaq iyo inuusan ahayn waa dood kale.

Isku soo duub waxaa daweynaha iyo dowladdaba looga baahan yahay in guntiga la isku dhuujiyo inta dalka laga xoreynayo qoddobada u go’aansan MW Xasan Sheekh iyo RW Xamza kuwaas oo marka la isku soo duubo ah:

  1. Shabaab dhinac kasta xag awood dagaal, mid dhaqaale iyo mid caqiiddo haba kala horreyaane.
  2. Musuqmaasuqa ka jira hay’adaha dowladda iyo xataa kuwa gaarka loo leeyahay oo qofka somaliga ah uu helo xaqa uu siin doono distuurka isgana la dhameystiri doono inta ay jirta dowalddaan.
  3. Caddaaladda oo la fadhiisiyo oo aanu qofna qof kale marti uga noqon caddaalad si degdeg ah, xaq ah, waafi ah loo kala jaro, lana marsiiyo go’aanka Meesha uu xaqa jiro.
  4. In aan qofka ama hay’adda lagu soo soocin xaqa oo aan la oran yaa sameeyey ee xaqa wax lagu soo sooco lana yiraahdo maxaa la sameeyey ama dhacay. Tusaale qof baa la dilay xaqu wuxuu leeyahay qofka la dilay xaqiisa ha laga siiyo , iyadoon loo eegun cidda dishay.

Dowladda kaligeed ha ogaato waxba ma qaban karto haddii aysan shacbiga wadanin, laakiin shacbigana ha ogaadeen dowladdu inaysan xallin Karin baahiyaha jiraa iyo dhabaatooyibkooda haddii aysan la shaqeyn.