Xog Qarsoon. Isbadal lagu sameen rabo laamaha Amniga Galmudug si loosoo xiro M/W Qoor Qoor.

Reading Time: 2 minutes

Xoga Qarsoon oo aan ka heleeno xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Fadaraalka General Xijaar ayaa sheegaya in uubilaawday qorshihii isbadal loogu sameen lahaa  Laamaha Amniga Galmudug.

Qorshaha lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo Laamaha Amniga Galmudug ayaa yimid kamid markii uu soo shaac baxay khilaaf ba’an oo soo kala dhaxgalay  Madaxweyne Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo khilaafkaaso ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu soo daray xubno mucaarad ah.

Waxaa Maanta warbaahinta shir jaraaid u qabtay Taliyaha Saldhiga Magaalada Dhuusamareeb asagoo cadeeyay in uu iska casilay Xilka uu ku magacaabna  sababo uu ku sheegay in lasiidaayo eedeysanayaal katirsan ururka Alshabaab.

Suaasha Isweydiinta mudan ayaa ah Taliyaha Saldhiga hadii uu cabasho qabo ma wuxuu u gudbinayaa madaxda Taliska Ciidanka Booliska iyadoo qoraal ah ama wuxuu sida siyaasi oo kale ayuu shir jaraaid qabanayaa ?

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Side waxaa ka mamnuuc ah siraha xafiiska ay maamulaan in ay warbaahinta la wadaagan sitoos ah , waana ka xaaraan. Sida sharciga ciidamada qabo hadii ay timaado cabasho ama iscasilaad uu codsado sargaal ka tirsan Ciidamada Qalabka sida waa in uu usoo gudbiyaa madaxda xukunta si loogu gudbiyo masuulka goaanka ka gaari lahaa.

Shirka Jaraaid uu qabtay Taliyaha Saldhiga Dhuusamareeb waxaa laga dheehan karaa inuu ah mid siyaasadeed kaaso lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo laamaha amniga Galmudug iyadoo la isticmaalayo cabashada Sargaalka masuulka ka ah Amniga Dhuusamareeb.

Hadii Isbadal lagu sameeyo laamaha amniga galmudug maxaa xiga ?

Sida Muqdisho Online xogo hoose ku heshay waxaa jirto qorsho balaaran ee larabo in lagu curyaamiyo dowlada cusub ee Galmudug , hadii uu dhaqan galo in isbadal lagu sameeyo laamaha amniga Galmudug waxaana qorsheysan fulinta labo  qodobad ee soo socoto.

  1. In lagu soorogo Magaalada Dhuusamareeb Bandoow iyadoo lagu andacoonayo Caabuqa Corono Virus taaso lagu doonayo inuusan dhicin shirka golaha baarlamaanka Galmudug kaasoo lagu wado  in lagu ansixiyo golaha wasiirada cusub.
  2. In Xeer ilaalinta Qaranka ay danbiyo kusoo oogto Madaxweyne Qoor Qoor kaaso lagu eedeyn doono arrimo musuq maasuq uu geestay inta uu ka tirsana Xukuumada Nabad Iyo Nolol.

Madaxweyne Qoor Qoor lama ogo sida uu uga falcelin karo qorshaha qarsoon ee Madaxweyne Farmaajo Maadama Ciidamada Galmudug ku sugan dhamaan ay xukumaan DFS .