Isbadal lagu sameeyey ololaha doorashooyinka wakiilada iyo deegaanada Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Wakhtigii ololaha doorashada goleyaasha aqalka wakiilada iyo deegaanada somaliland ayaa lagu sameeyey isbadal weyn oo ay aqbaleen dhamaan xisbiyada siyaasadu. kulan ka dhacay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in mudada ololaha ee xisbi kastaba loo ogol yahay ay tahay laba cisho, oo mid layskugu imanayo goobaha fagaarayaasha ah ee waa weyn maalinta labaadna xafiisyada xisbiyada ee gobolada.

Muuse Biixi oo ka hadlay shir ay iskugu yimaadeen xisbiyada ayaa soo bandhigay isbadalka lagu sameeyey wakhtiga ololaha xisbiyada waxaanu yiri.

“Waxaynnu ku heshiinnay in ololuhu noqdo lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.”