Isbadal lagu sameeyay canshuuraha qaar kamida alaabaha lasoo dhoofiyo

Reading Time: 2 minutes
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbadel kooban ku sameysay qaar ka mid ah alaabaha dibada laga soo dhoofiyo ee ka soo dega dekedda magaalada Muqdisho. Qorshahaan ayaa ah mid dowlada sare ugu qaadeysa daqliga ka soo gala ilaha dhaqaalaha dalka, gaar haan dekada Muqdisho.
Alaabaha wax laga bedelay waxaa ka mid ah sigaarka/shiishada, alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), Qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric/Electronics), Dharka iyo kabaha, iwm.
Wax ka bedelkaas canshuuraha ma saameyn cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.
Sida Saraakiisha Kastamka Canshuuraha ay sheegeen canshuurta dowladdu ay qaado ma ahan mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) waan tariff ku dhisan qiyaas (Big Carton / Small Carton; Juuni, loor, lagaajo iwm) iyo qancin ganacsato.
Tusaale:
Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD
Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD.
Dharka lebiska: lebiska caruurta ciidaha (4 Dersin – 48 joog): 9 USD (0.19 USD joogi). Qiimaha suuqa 60 USD – 90 USD. Dharka caadiga ah (6 Dersin – 72 joog): 4.5 USD (0.06 Joogi). Qiimaha suuqana 10 USD – 30 USD.
Baaburta raxadda (Luxury Cars): Prado/Surf: 1,370 USD, Hilux pickup 1,450 USD, Toyota Premio: 920 USD.
Qiimaha lagu kordhiyay canshuuraha ayaa ah 100%, Tusaale gaariga Bulletproofka ee jooga $80,000 waxaa la canshuuri jiray $5000, halka  maanta lagu canshuurayo $10,000.
Waxaa dalka waxaa loo soo dhoofiya badeecoyin badan oo ka mid wax soo saarka dalka, waxaana ka mid ah Yaanyada gasaca, malaayga, digirta, galeyda, daangada, qamadiga, cabitaanada, iwm.
Miisaaniyadda dalka in ka badan 70% waxa u ku tiirsan yahay deeqaha caalamka iyadoo dowladda Soomaaliya wax canshuur dhameystiran ah aysan ka qaadin ganacsiga dalka.
Shurudaha deyn cafinta dalka waxaa ka mid ah in dowladdu la timaado dhaqaale kordhin iyo isku filnaasho miisaaniyadda ah si looga shaqeeyo mashaariic hormarineed dhanka kaabayaasha dhaqalaha ah. Ilaha dhaqalaha dowladda waxa ugu weyn Dekeda iyo Air Porka Muqdisho.