Kheyrmaajo waa astaan dhab ah oo ay ku sifoobeen labada shakhsi oo aan qarankan u reeban waxkasta oo xumaan ah oo ay ku sameyn karaan sida Kala wareeg, Bac kasii oo ahayd ku farxid xabadda maarkey qofka ku dhacdo, Qalbidhagax, Bariirre, CC Shakuur iyo Jid dheer oo ku soo dhamaaday dilkii Ikran iyo Xil. Amina rabbi ha u naxariistee.
Isbadal doonka Socdaa ee Farmajo uu ku dhawaaqay ayaa wuxuu abuuray doodo aad u badan oo ay dad badani is weydiinayaan muxuu yahay isbadalka uu Farmajo keeni kara, kaas oo uu keeni waayey muddadii 5 sano ahayd uu awoodda gacanta ku haystay.
Tusaalaha isbadal doonka waa hogaamin ku dhisan awood kalitalisnimo, taas oo ah sifo uusan qof waliba lahayn, balsa ay wadaagaan Faramajo iyo seedigiis Kheyre.
Sifooyinka kali taliyaha lagu so sooco waxaa ka mid ah balse aan halkaan ku koobneyn:
- Sadistic waa qof ku farxa dhaawaca iyo xanuunka qof kale isagoo u arka inay isaga Sharaf u tahay- Firi dhiibistii Qalbidhagax iyo Bahdiliddii Kheyre ee askariga jilbajabsaday ee miskiinka aha aiyo Ciidankii u badanaa kooxda Kheyre ee Bac kasii islaanta.
- Antisocial waa cillad maskaxeed oo qofku uu si joogto ah u muujinwaayo ilaalinita iyo ixtiraamka xaqa, saxa iyo qaladka oo uu iska indhatiro. Isagoo leh “annaga ayaa saxan inta kale ha naga horreeyaan ama hana lajoogaan waa khaldan yihiin jidkaasna naga leexin mayaan”. Sidoo kale darreen iyo xurmo uma hayo xuquuqda iyo dareenka dadka kale. Gacan bir ah ayaan ku qabaneynaa iyo Jidkaas nalamaka leexin karo aniga iyo madaxdweynaha ayaad maqashay ee rageeda ku garo haddaad garsho leedahay.
- Paranoid waa cillad muujineysa dareen aan macquul ahayn oo shaki badan oo amaanta iyo fannka ku nool, kuna naaxa, kalsooni darro ka qabo inta la shaqeysa heerkasta oo ay kala shaqeeyaan, iyo cadaadis joogto ah oo u ku hayo shaqaalaha ka hooseeya, isagoo u kaba qaada madaxda ka sarreysa.
- Narcissistic waa xaalad maskaxeed ay dadka qaar leeyihiin taas oo ah isla weyni iyo isa siin heersare ah oo kacsan oo ah is muhiimadooda gaarka ah, u baahnan qoto dheer leh ee feejignaanta iyo is qiimeynta xad dhaafka ah, dabeecadxumo dhib badan, iyo naxariis la’aanta dadka kale.
Xildhibaanada Sharafta leh
Haddaba Xildhibaanow- lama hadleyno Xil-madhibaan, calaamadahaan waxay ku siinayaa mitir aad ku cabiri karto qofka aad rabtid inaad qarankan kala shaqeysid 4ta sano ee soo socota adigoo aan cabsiin, lagu caayin, lagu handadin. Qofka leh calaamadahan waa qofka aan waxba lagu darsan Karin haddey shaqo wadaag tahay, haddey hogaamin tahay iyo haddey naxariis tahayba.
Waxaa markaa kuu so baxaya inaan 5tii sano ee tagtay aan soo araganay shakhsiyaad ku sifooba dhamaan calaamadahaan, waana shakhsiyaadka hormuudka u ah “ Isbadal doonka Socadaa..”, kuwaas oo ah Farmajo iyo Xasan Cali Kheyre oo uu Farmajo ku yiri abtiyow raalli noqo ee aan mar kale horsed ka ka noqonno isbadal doonkii aan soo bilownay kaas oo salka ku hayey:
- Burburinta Federaalka oo la soo celiyaa qabkii kalitalisnimo ee ummaaddaan lahayd.
- Abuuris xukun muddo dheer jiraa si isbadalka uu u mira dhalaa.
- Inuu dalku gaaro horumar ah in al joojiyo madaxda afartii sano ba is badaleysa oo dalka loo daayaa hogaan wax badan qabta oo muddo dheer joogaa sida Musafeni, Kagama, Afawerki iyo Geelle.
Maanta isbadalkaas waxaa fahmaya oo kaliya waa adiga oo ila soo bilaabay waxaanad fiirisaa meelaha badan ee aan iskaga mid nahay ayuu Farmajo oo ay la joogto Marwadiisa ku yiri ilamahooda abitogooda mudane Abti Xasan Cali Kheyre, isagana waa aqaablay.
Isku soo duub maxay wadagaan labada shakshi waa inta kore iyo shaxdaan hoose.
Maxay Wadaagaan Kheyre iyo Farmajo.. | Maxamed Farmajo | Xasan Kheyre |
1. Laaluush (bribery) | X | X |
2. Ololayn (Lobbying) | X | X |
3. Baad (Extortion) | X | X |
4. Nin jeclaysi (Cronysm) | X | X |
5. Qaraabo kiil (nepotism) | X | X |
6. Parochialism (Aragti Gaaban) | X | X |
7. Patronage: (Eex) | X | X |
8. saamayn baayac-mushtar (influence peddling) | X | |
9. lacag-bixin (graft) | X | X |
10. Wax isdabamarin (embezzlement) | X | X |
11. Assinations (Khaarijin) | X | X |