Isaias Afwerki oo sheegay in qaabka Fedaraalka carqalad ku yahay Somaliya loona bahan yahay in laga taqaluso (daawo)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Eritereeya Isaias Afwerki  oo qayb wayn ka qaatay  dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya  aya markale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ayan u baahnaynin dowlad goboleedyo oo ay u baahan tahay dowlad dhexe oo xoog leh. Hadalka asbuucaan ka soo yeeray Isaias Afwerki  ayaa waxa uu ku soo aaday iyada oo MW Farmaajo heshiis hoose la galay dalalka Eritereeya iyo Itoobiya kaas oo ah in ciidan ka badan 20,000 dalka Soomaaliya la keeno si MW Farmaajo xoog loogu hoos keeno dalka oo dhan.

Madaxweyne Isaias Afwerki  ayaa Soomaaliya u istcimaalay xiligii dagalada sokeeye awood uu kula dagaalo dalka Itoobiya waxa uuna taageero dhaqaale iyo mid ciidanba siin jirin dhamaan kooxaha mucaaradka ah oo ay ku jireen kooxaha mayalka adag oo  kumanaan Soomali ah horay  ugu xasuuqay dalka gudihiisa gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Hadalka uu MW Isaias Afwerki asbuucan  ka jeediyay dugsiga caafimaadka ee magaalada Asmara waxa uu daba socdaa hadal uu dhowr sano ka hor ku cadeeyay in uu taageero kooxaha argagaxisada ee ka dagaalama Soomaaliya  isala markaana uu uga soo horjeedo dowlad goboleedyadda. Wareesyi uu siiyay wariye Jamal Cusmaan  dhowr sano ka hor ayuu ku cadeeyay moowqifkiisa.

Halkaan ka daawo Video:

https://youtu.be/Uq1ai9qh-WA?t=42