Runtii waa ihaano, u gafid garaadka dadka Somaliyeed in Maanta Maxamed Mursal uu markale sheegayo inuu rabo markale inuu gacant aku dhigo Guddoomiyaha go;aha shacbiga oo ah hay;adda ugu awoodda badan ee dalka si mar kale haadaan tii hore ka xun uu ugala dhaco.
Maxamed Mursal oo ah qofka ugu dembiga badan marka laga reebo Farmajo oo ku adeeganayey qoortana uu uga xernaa oo uu qool ugu jiray laguna sii deynayey qof kasata oo la rabo in Farmajo laga hor leexiyo.
Guddigii Maaliyadda ee musuq Maasuqa oo maalin cad lakala eryey kadib markii ay su’aalo ka keneen halkii ay aadaady $42 Milyan, R/ Wasaarihii dalka oo 7 daqiiqo lagu riday, dadkii Baydhabo lagu xasuuqay oo uu Barlamanka ugu diiday Mursal inay ka hadlaan iyo waxyaabo kale oo badan oo xanuun leh sida ansixintii muddo kororsii Farmajo waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka uu dalkaan u geystay Maxamed Mursal.
Mursal inuu mar kale isa soo sharraxo isagoo afka dhiig ku leh waxay ceeb iyo wax aan la qaadan Karin ku tahay garaadka Xildhibaanada oo loo haysto inay yihiin doqommo dambiil lagu keensaday oo wixii la rabo laga sameynsan karo.
Mursal waa dambiile ay tahay in maxkamad shacbi la soo taago oo uusan weligii dalkaan ka qaban hogaan iyo xil toona, waana la gaari doonaa In Shaa Allaahu Tacaalaa.
Sidoo kale waxaa ka mid ah Xasan Kheyre oo isagana ah boog ku taalla taariikhda hogaaminta dalka, taas oo ay seddexda ninba wadaagaan. Raggaan dhamaantood waxay qeyb ku lahaayeen dhacdooyinkan oo mid soo agaasimay(Farmajo), Midna sharciyeynayey (Mursal) intii uu joogay iyo midkan uu fulinayey (Kheyre).:
Shakhsiyaadkan waxay wadaagaan qodobadaan:
- Inaysan marnaba u naxayn umadda ay dhibaatada ku hayso hogaaxumadooda, aqoondaarida qofnimo iyo daneysiga mutuxan ee ay mar waliba ka horimanayeen danta dalka, sheegashada waddaniyad mar waliba looga dan lahaa in dalka lagusii fogeeyo godkii ay ku rideen.
- Waxay ihaano ku tahay Umadda Somaliyeed oo ay caay iyo ceeb ku tahay inuu shakhsiyaad noocan ah in ay hogaamiyeyaal u yihiin Somaliya.
- Waxaa kaloo ay caloolxumo ku tahay Tirada dadka wax ku noqoday hogaankooda oo tira beel ah, taas oo keeni doonta in loo maxkamadeeyo ama dadka hogaankooda lagu waxyeelleeyey oo ay ka dhamaato ilaalinta sharciga iyo sugida caddaalaada oo gacantooda uga aarsada, fowdana la galo.
- Barlaman waxaa lagu yaqaan inuu umadda uu wakiilka yahay uga turo dhibaantooyinka ay waaxda fulinta iyo Garsoorka ku hayaan, hasa yeeshee Baralamnkii uu Mursal hogaaminayey waxaa uu qeyb weyn ka ahaa dhibaatada umadda, mana gudan hal waajibaad oo umadda u dan ah. Tusaale weligiis dowladda ma weydiin maxaa loo jebinayaan distuurka, maxaa loola dagaalayaa maamul goboleedyada, maxaa loo laayey dadkii Baydhabo lagu dilay? Maxaa loogu ogolaaday in ay shabaab canshuur rasmi ah ka qadato dekedda, Garoonka dayuuradaha iyo Suuqyada magaalada Muqdisho?
Sidaas darted Xildhibaan yaaneyn taariikhda kaa halleyn u codeynta Mursal, Kheyre iyo Farmajo oo aan sidaan laguu habaarin berito maanta ayaad fursad haysataa ha ogolaanin in garaadkaaga la caayo oo laguu qaato doqon aan dadkiisa iyo dalkiisa ka warqabin oo Meesha la soo fadhiisiyey si looga dhigto shaabad lagu sharciyeysto in mar kale lagu kasbado codkaaga awooddii lagu dhibaayeyn lahaa umaaddaan dhiban.
Mursal waa dambiile, tuug, khaa’inul wadan ah ee bannaanka dhiga oo hal cod yuusan kaa helin xildhibaan haddii kale intaan uu yahay ayaad la qeybsaneysaa dunida, aakhirana wuxuu codsiintaada ku galay ayaa lagu weydiinayaa.
HaddanaMaxamed Mursal maanta waxaa uu idiin la hadlay sidii aad tihiin nacasyo dhega xeran oo aan teklojiyada waxba ka aqoon, isla markaana aan heli Karin wixii uu shalay falay oo falfalxumo ah ayuu idiinku camirtay.
Shariciga iyo Distuurka uu leeyahay hadda waan ilaalinayaa muxuu u ilaalin waayey marka:
- Maamul Goboleed yada lagu duulayey.
- Baydhabo masaakinta lagu laanaayey.
- Magaalada Muqdisho shabaabka loo fasaxayey.
- Uu u kordhinayey Farmajo laba sano si uu noo sii laayo.
- Shacbiga nolosha lagu ciriirinayey.
- Somaliland lacag ay caalamka noo marsiiyeen oo $11 milyan laga xannibayey.
Fadlan Xildhibaanno yaan caqligiinna la caayin, waad yar yar tihiin qaarkiin laakiin xalay ma dhalan, dhaarna waad marteen ee dalka uga tura Farmajo, Mursal iyo Xasan Kheyre, haadii kale waad ka shallaayi doontaan sidii Dhalxa iyo Muuddey oo maanta bannaanada ku ooyaya.