Is casilaadda Xuseen Cisman Xuseen, Agaasimihii NISA ma ahayn arrin aan la sugeyn waxaana mar waliba la islahaa goorma ayuu banneyn doonaa si rasmi ah hogaaminta NISA.
MW Farmajo ayaa si xirfadeysan uu abuuray koox ay Shabaab u kalsoonaan karaan, isla markaana shaati qaran loo huwin karo. Fahad Yasiin, Abadullaahi Kulane, Zakariya Ismaciil iyo Saadaq Joon ayaa hadda gacanta ku haya NISA. Zakariya iyo Kullane waa Farmajo ilmahiisa oo adeer ayuu u yahay.
Waxaa la hubaa in caawaba ay qorsheynayaan ciddii ay weerarai lahaayeen iyo ciiddii ay u mari lahaayeen iyo sidii ay shabaab ula shaqeysan lahaayeen. Shabaabka oo hadda Xamar degmooyinkeeda gacanta ku hayaa uma baahna inay weeraar qaadaan waayo wax awoodaan inay falal argagixiso sameeyaan saacaddii ay doonaan iyo iyago awood u leh inay ka fuliyaan goobtii ay doonaan dhammaan Somaliya oo ay xalay makhribkii ugu dambeysay ay Baydhabo ka fuliyeen, kuna laayeen shacab masaakiin ah.
Dad badan ayaa wadnaha farta ku haya oo aan aqoon meel ay u baxsadaan waayo waxaa mar waliba loo helayaa qiil lagu khaarijiyo kaasoo ah “qofkaan waa shabaab waa in la soo qabtaa ama la soo dilaa” waa eray bixinta ay isticmaalayaan NISA-da cusub iyadoo isla qofkaas ay dhinaca kale shabaabka ka isticmaalayaan “waa murtad ee ha la dilo”. Markaas qof la rabaa in la khaariyo shabaab waa u “Muratad”, NISAda Cusubna waa u “Shabaab”. Xildhibaanno, ganacsato, aqoonayahanno iyo shaqaale dhowr ah oo ay MOL la xiriirtay ayaa u sheegay inay adag tahay in Xamar lagu sii noolaado, haddii uusan isbadal degdeg ah iman. Suurgalna maaha isbadal degdeg ah waayo golayaasha shacbiga ee dawlaadda badali karaa waxay u bateen mushaari Madaxtooyada laga maamulo. Kacdoon shacbi ma dhawa mana abaabulnaa bulshada rayidka ah. Mucaaridka ma jirto laba meel isku sheegtaa, kuwii ugu roonaa waxay ku jiraa xisbi dhis iwm.
Sidaas darted waxaa dalka ka jirta dhibaato dhinc waliba leh. Maamul goboleedyadaii waxaa dhammaantood ku soo socota doorasho oo waxay ku mashquul yihiin sidii ay wax u kala dabbaran laahaayeen. Kheyre waxaa uu la leeyahay waxaa ku jiraa lacag urursi si uu Kursiga aan Farmajo uga badasho 2020/21 waa haddii uu yeelo Farmaajo.
Haddaba shacbiga Somaliyeed waxaa ku habsatay nasiib xumo weyn waxaana lumay jihadi uu dalku u socday. Waxaa eedo badan oo aan ka fiirsi lahayn loo jeedin jiray xukuumaddii tan ka horreysay, iyadoon marnaba laga fekerin cidda lagu badalayo. Gunti giijintii dhaqaalaha ee ay bilaabeen xukuumaddii Xasan sheekh iyo habeyntii maaliyadda ayaa waxaa uu xelligaas keenay in lacago badan oo wareegi jiray ay joogsadaan dadkana loogu macaneeyey in lacagtii wareegi jirtay la dhacay.
Dib u fiiri xildhibaanaddii qeylin jiray maanta nin waliba tubbo ayaa meel ugu suran, mana ahayn waddiniyad iyo dareen umadeed ee waxa ay u qaylinayeen waa dantooda. Aaway kooxdii Qaaqlayaasha ahaa? Aaaway Qeylodhaan maxay wax uga sameyn waayeen wixii dhacay 14kii Oktober? Aaway xildhibaanadii laga seexan waayey ee Zakariya Xaji Cabdi, Goodax, Khadija ilka cas, Dahir Amin Jesow iwm dhamaantood muufadooda ayaa maraq ugu jirtaa mana hadlayaan.
Haddaba ciida wax lumisay waa ayo? waa Shacbiga Somalyeed iyo xildhibaanaadii Daacadda ahaa mana ogi cid ay ku tashanayaan oo isbadal keeni doonta.