Is-casilaada Shiikh Sharif ee Midowga Musharaxiinta oo xaqiijisay tuhin horay u jiray

Reading Time: < 1 minute

Shiikh Sharif Shiikh Axmad oo in mudo ah u ololaynayay in uu noqdo Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta, ka dibna loo ogolaaday in uu hogaankaas qabto ayaa maalhii u danbeeysay waxa uu si dadban warbaahinta ula wadaagayay xan uu ku sheegayo in uu doonayo in uu iska casilo hogaankaas.

Shiikh Sharif ayaa in mudo ah waxa uu wada-hadal la furtay Farmaajo iyo Fahad Yasin isaga oo doonayay in ay isa ka dhigtaan qorshaha labaad (plnaB) mar hadii ay iyaga ku fashilmaan doorashada la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo. Waxaana jira warar sheegaya in Farmaajo dhaqaale ku taageero Shiikh Sharif oo dhaqaale xumi la soo daristay.

Dhanka kale, Midawga Musharixiinta ayaa shalay yeeshaay  kulankoodii caadiga ahaa,  Kulankan aya looga arinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo dooroshooyinka waxaana laysla gartay in la dadajiyo doorashada xildhibaanada labada aqal. Waxa sidoo kale laga dooday wararka shiekh sharif ku sheegay in uu rabo in uu iska casilo jagadaas.

Waxaan shaki ku jirin in mar aan fogayn uu dagaal siyaasadeed  (cold war)  ka dhex qarxi doono xubnaha gudiga Midowga Musharaxiinta.