Is afgaran waaga MW. Farmaajo iyo RW Kheyre oo laga dareemay villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa Tan Iyo markii uu dalka dib ugu Soo laabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal waxaa madaxweynaha lagu arkey welwel badan uu ka qabo sida ay u cakiran tahay siyaasadda dalka iyo go’aanka lama filaanka ah ee uu qaatay Gud. Mursal.

Madaxweyne Farmaajo aya maalmihii u  dambeeyay ku shaqeynaayey hooygiisa mana uusan arkeynin dad badan, waxaana la arkaayey Siyaasiyiin badan oo laga soo celinaayey albaabka hore Madaxtooyada Villa Somalia.

Siyaasiyiinta qaar oo xiriir nala soo sameeye ayaa waxaa ay sheegeen in ay habmaamuuska xafiiska Madaxweynaha ay kalmuayeen hadalo kala duwan iyagoo mar walba loo sheegayay “ma arki kartaan MW Farmaajo oo shaqo gaar ah ayuu ku mashquulsan yahay, Madaxweynuhu ma shaqeynaayo, madaxweynaha labadaan maalinba gurigiisa kama soo bixin, balan idin ma heyno iyo waxyaabo kale.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu u muuqdaa nin keliya oo aan laheyn Saaxiibo iyo La-taliyaal la maareyn kara marxaladaha uu hada ku sugan yahay, waxaa marag ma doonto ah in Dhibaatooyin ka jira Gobalada iyo caasimada ayaa marba marka ka dameysa soo kordhaya dhinac walba, la arki doonee sida uu wax noqdaan.