Iran oo qiratay in ay si aan ulakac ahayn u soo riday diyaaraddii Ukerine

Reading Time: < 1 minute

Militariga Iran ayaa waxay sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kamaa ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukrainian, sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay”khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Dadkii masuulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa, sida bayaan laga baahiyay telefishinka lagu sheegay.

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!