Inkabadan 58 Qof oo Geeriyootay kadib dooni ku dagtay dalka Mauritania.

Reading Time: < 1 minute

gu yaraan 58, oo haween iyo caruur ay ku jiraan ayaa dhimatay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku dagtay biyaha dalka Mauritania.

Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ayaa xaqiijisay dhimashada dadkan oo dhamaantood ahaa muhaajiriin.

Muhaajiriintan oo kasoo tagay dalalka galbeedka afrika ayaa kusii jeeday in ay gaaraan dalalka qaaradda Yurub.

Shilka ayaa yimid kadib markii lasheegay in doonida ay saarnaayeen uu shidaalka ka dhamaaday.

Doonidan dagtay ayaa noqotay tii ugu qasaaraha badneed tan iyo bartimihii sanadkii 2000.