Ugu yaraan 22 ruux ayaa dhimatay oo ay ku jiraan caruur kadib duqeemo ka dhacay waqooyi galbeed dalka Suuriya.
Duqeemaha ayaa waxaa gaystay diyaaradaha dowladda Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka sida ay sheegeen ila caafimaad oo mutada waciin ah.
Waaxda difaaca rayidka ee dalka Suuriya ayaa sheegtay in weerarka lala bartilmaamayd saday tobonaan magaalo iyo degmooyin oo hoos taga gobolka Idlib.
Dadka dhintay ayaa sidoo kale lasheegay in ay ku jirtay mid kamid ah xaaska shaqaalaha caafimaad ee sida mutawadacnimada ah kaga shaqeenaya halkaasi.
Goobaha laduqeeyay ayaa waxaa kamid ah Suuq ku yaalo magaalada Maasaran, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen tobonaan ruux.