Ingiriiska oo xalay si rasmi ah uga baxday ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub

Reading Time: < 1 minute

Xalay saudi dhexe ayaa Dowladda Ingiriiska si rasmiya uga baxday Midowga Yurub oo ay ka tirsanayd mudda ku dhow 50-sano. Kadib 11 bilood oo lagu jiray Kal-guurka UK iyo Midowga Yurub, waxa sannadka cusub u curtay Ingiriiska oo gebi ahaanba ka baxay Midowgaas.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso, si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore. Ingiriiska kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurubta kale.