Ingiriiska oo ku dhawaaqay talaabo ka careysiineysa Ruushka

Reading Time: < 1 minute

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday bilawga barnaamij cusub oo ciidan kaas oo ujeedkiisu yahay in bilaha soo socda lagu tababaro ilaa 10,000 oo askari oo Ukrain ah.

Bayaan ay soo saartay, ayay ku sheegtay in kooxdii ugu horreysay ee ka qaybgalayaasha dagaalka Ukraine ay hadda ku suganyihiin guddaha UK.

“Iyadoo la adeegsanayo khibradda heerka caalamiga ah ee Ciidanka Ingiriiska waxaan ka caawin doonaa Ukraine inay dib u dhisto ciidamadeeda ayna sare u qaaddo iska caabinteeda si ay u difaacaan madaxbannaanida dalkooda iyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan mustaqbalkooda,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace, oo booqday xerada tababarka.

Tababarka waxaa qaada doona shaqaale iskaa wax u qabso ah oo aan lahayn khibrad ciidan ama xirfado si ay waxtar ugu yeeshaan dagaalka jiida hore.

Iyada oo ku saleysan tababarka aasaasiga ah ee UK, koorsadu waxay daboolaysaa maaraynta hubka, gargaarka degdegga ah ee goobta dagaalka, farsamada goobta, tabaha roondada iyo sharciga isku dhaca hubaysan.

Maraykanku ayaa ballan qaaday in uu bixin doono ku dhawaad $368m oo gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah oo la siinayo Ukraine.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Ukraine ay sheegtay in ciidamada Ruushka ay gaysanayaan duqeymo “aan kala joogsi lahayn” oo ay ku hayaan bariga Donetsk.

Lix qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waxaa laga cabsi qabaa in ay ku xayiran yihiin ka dib markii gantaalada Uragan ee Ruushka ay ku soo dheceen guri shan dabaq ah oo ku yaalla gobolka Donetsk.

Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa sheegay in duulaanka uu yahay dhul qabsi aan laga fiirsan iyada oo Ruushku sii wada waxa uu ugu yeeray “hawlgal milatari oo gaar ah” si hoos loogu dhigo millatariga Ukraine.