Dowladda UK ayaa war kasoo saartay dhameystirka doorashada Soomaaliya, gaar ahaan guusha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
UK ayaa ballan-qaad u sameysay Madaxweynaha cusub, kadib qoraal ay soo saartay Vicky Ford oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika.
Vicky Ford ayaa marka hore shaacisay inay u hambalyeneyso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska loo dhaariyey.
“Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya,” ayeyey tiri wasiirka arrimaha Africa ee UK, Vicky Ford.
Qoraalkan oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay sidoo kale ku sheegtay inay kala shaqeyn doonaan dowladda cusub amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha soo laa laabtay ee ku dhuftay Somaaliya.