Indha Qarshe oo u sheegay beesha caalamka in uusan waxba kala socon qaabka lagu bixiyo qandaraasyadda ciidanka

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) aya u sheegay beesha Caalamka in uusan waxba kala socon qaabka lagu bixiyay qaandaraasyadda ciidanka. Indha Qarsho ayaa in mudo ah ka tabanayay hadalada aan ka fiirsiga lahayn ee Madaxweyne Farmaajo kaas oo inta badan uu ku eedeyanay dowladii Xassan Shiikh.

Madaxweyne Farmaajo aya dhowr mar ku cel-celiyay in dowladii isaga ka horeeysay ee Xassan Shiikh ay si aan gabasho lahayn u burburisay ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya. Farmaajo aya waxa uu ilaabay in Indha Qarshe ahaa taliyihii ciidanka xiligii Xassan Shiikh. Taliye Indha Qarshe ayaan marnaba  dowlada Farmaajo la wadaagin qaabka loo bixiyo dhaqaalaha ciidanka iyo qandaraasyadda  la siiyay shaqsiyaad xiriir la leh Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Indha Qarshe oo ilaashanaya sharaftiisa iyo magaciisa aya qoraal  qorsoodi ah uu la wadaagay qaar ka mida Beesha Caalamka ee taareega ciidanka Soomaaliya ku cadeeyay in uusan isaga wax badan kala socon qaabka lagu bixiyay qandaraasyadda. MOL oo lala wadaagay qayb ka mida nuqalka ku qornaa waraaqda ayaa lagu sheegay in isdabamariska ka jira wasaaradda uu ugu yimidwasarrada  hadii uu isku dayayna in uu saxo ay  diiideen qaar ka mida madaxda dalka.

Waaa isa soo taraya musaqa baahay ee dowladda Soomaaliya kaas oo madaxa la galay xafiiska RW Kheyre.