Inta ayan maanta bilaaban xafladii lagu sheegay in DFS ay kula wareegayso ciidamada Al Sunna Wajameeca oo ka dhacaysay Xarunta 21 naad, ayaa taliyaha Ciidanka Xooga Dallka Soomaaliyeed Janaal Indha Qarshe waxa uu amar ku siiyay ciidamadii ka tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka ee fadhigoodu ahaa magalaada Cadaado in ay u soo dhaqaaqaan dhanka iyo Dhuusamareeb si ay goobjoog uga ahaadaan la wareegida ciidanka.
Imaatinta ciidankii laga sugayay dhanka Cadaado awgood ayaa xafladlii la wareega ciidanka Al Sunna oo uu goobjoog ka ahaa Xasan Kheyre dib loo dhigay mudo saacado ah. Guutada ciidanka oo uu hogaanka u hayay Taliye Xuseen Xoosh oo ka jawaabaya amarka Xasan Kheyre iyo Janraal Indha Qarshe ayaa u soo dhaqaaqay dhanka iyo Dhuusamareeb.
Ciidanka oo ayaa lagu joojiyay degaanka Mareer Guur oo ah ku beegan duleedka magaalada Dhuusamareeb. Ciidanka Al Sunna ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in ciidankaas uusan ka gudbi karta barta Al Sunna sidaaas darteedna ay dib ugu laabtaan Magalaada Cadaado oo ay ka yimaadeen.
Taliyihii ciidanka hogaaminaayay ayaa waxa uu qadka taleefanka kula hadlay Janaraal Indha Qarshe oo markaasi la joogay Xassan Kheyre. Waxa uuna u sheegay in Ciidanka Xogga Dalka lagu hayo bar ciidan oo ay leedahay Al Sunna. Taliye Xuseen Xoosh ayaa sidoo kale u sheegay Indha Qarshe in ciidankiisa lagu hayo qoryo isla markaana loo diiday in ay u soo gudbaan dhanka iyo xarunta 21naad. Taliya Indha Qarshe ayaa u sheegay saraakiisha ciidanka wataday in ay ku sugaan meesha lagu hayo inta uu arintaan kala hadlayo hogaanka Al Sunna iyo Xasan Kheyre.
Labo saac ka dib ayaa Janaraal Indha Qarshe soo wacay taliyihii Ciidanka watay isaga oo u sheegay in ay dib u noqdaan degaanka ay ka yimaadeen madaama Madaxda Al Sunna ay diideen in ciidan kale soo galo magaalada Dhuusamareeb.
Xasan Kheyre iyo Janaraal Indha Qarshe ayaa iska bilaabay xafaladii mar hadii loo diiday in ay ciidankii ay sugayeen soo galaan magaalada Dhuusamareeb. Kooxda Al Sunna Wajameeca ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo aan marnaba ogolaan doonin in degaankooda ay la wareegaan ciidan aan ahaynin Al Sunna Wajameeca. Ciidanka la wareejiyayna ay ku nogaan doonaan Dhuusamareeb lakiin ay halkaas ku joogi doonaan magaca Dowlada Fedaraalka oo mushaarkooda bixin doonta.