Indha Qarshe oo la kulmay taliska ciidanka Talyaaniga

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Milatariga Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe  oo booqosho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa Magaalada Roma ee Caasimadda Dalka Talyaaniga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada ciidan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo kaalinta dowladda Talyaaniga ay ka qaadan karto tababarrada Ciidamada Milatariga ah ee Soomaaliya.

Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Soomaaliya.Taliyaha ayaa waxaa uu saraakiisha Talyaaniga ka codsaday in ay Soomaaliya u tababaraan saraakiisha dhallinyarada ah ee Miltariga Soomaaliya.

Dowlada Talyaaniga ayaa horay uga taakukleeysay ciidamada Soomaaliya iyaga oo ka caawiya dhanka qalabaynta iyo tababarada.