Indha-qarshe: ”Al-shabaab wali waxaan kula jirnaa Dagaal culus”

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe)  ayaa sheegay in xilligaan dalka Soomaaliya uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dagaalkaas dadka ku dhimanaya ay yihiin ciidamo u baahan in la taageero oo la garab istaago,hayeeshee weli uu jiro gaabis farabadan.

Amniga ayuu sheegay in uu yahay wax uu Shacabka leeyahay oo ay Ciidamada kala Shaqeeyaan,waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay sugida amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe)   ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho,waxaana xilligaas uu dagaal ka socday degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here