Indha Cade oo ku goodiyay in  C. C/Shakur xaq u leeyahay in Ciidanka Xooga Dalka Ilaaliyaan

Reading Time: < 1 minute

Soo dhawayntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa waxa soo dhaweeyay soona galbiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo wato gawaarida Ciidanka Xooga Dalka. Ciidanka ayaa ku labisnaa dharkii iyo darajooyinkii ciidanka waxaana hogaaminyay General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade) oo ay ehel yihiin  siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur Warsame.

Ciidanka soo dhaweeyay ayaa ah ciidan ka soo jeeda beesha Habar Gedir gaar ahaan beesha Ceyr. Hadaba waxaa  ka xanaaqay soo dhaweynta iyo isticmaalka ciidanka Madaxweyne Farmaajo kaas oo ku tilmaamay tilaabada uu qaaday Janaraal Indga Cade mid ka soo horjeeda danaha dalka iyo dadka.

Dhanka kale Janaraal Indha Cade ayaa u faray fartiin Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu ku sheegay in Ciidanka Xooga Dalka ayan u shaqaynin hal qabiil taas oo ula jeedo beesha uu ka dhashay Madaxweyne Farmaajo.  Janaraal Indha Cade ayaa sheegay in Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur lagula dagaalamay magac qabiil iyada oo la istcimaalayo ciidan iyo hanti Qaran laakiin uu xaq u leeyahay siyaasiga in beesha uu ka dhashay ay difaacdo naftiisa iyo malkiisaba markii hadii ayan jirin hay’ado difaaco.

Talaaabda uu qaaday Indha cade ayaa waxaa soo dhaweeyay qaybo badan oo ka mida ciidanka Xooga Dalka. Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo muuqanaysa in  dalku dib ugu noqonayo xaaaladii qabiilka iyo dagaalka sokeeye ee horay looga soo gudbay. Sida MOL shalay idin soo tabisay waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado hubka ee magaalada Muqadishu taas oo ka danbeeysay cabsi laga qabo in dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye.