In kabadan 100 qof oo Iiraan ku Geeriyootay iyo xaalada oo qasan

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda udooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dibad baxyada dalka Iran ay ku dhinteen in kabadan 100 ruux.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’adan oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa ciidamada amaanka ku eedeeyay in ay tacadiyo kala duwan kula kaceen dibad baxyaasha.

“Ugu yaraan 106 ruux oo dibad baxyaal ah ayaa ku dhintay 21 magaalo oo katirsan dalka Iran” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda.