In ka badan 120 Dawladood oo garab istaagay Soomaaliya kana digay Faragelinta Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Dawlada Eratareeya  iyo Dawlado kale ayaa ku baaqday in la ilaaliyo madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka geeska Afrika , waxayna si cad u sheegeen in faragalin lagu sameeyo dal kamid ah dalalka, ay dhali karto ficilo ammaan darro oo baahsan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eratareeya .

Go’aankan ayaa  imaanaya Xilli maanta la filayo in uu ka furmo dalka Uganda shir madaxeedka waddamada IGAD oo ay ka maqantahay Itoobiya, waxaa kalo xusid mudan inuu horey Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay inay Eratarerya taageersantahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar,Sameh Shoukry ayaa xaqiijiyay in Masar ay si buuxda u taageersan tahay Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, wuxuuna ka digay cawaaqibka ka dhalan kara siyaasadda hal dhinac ee Itoobiya ee ku xad-gudubka qawaaniinta sharciga caalamiga ah.

Warka ka soo baxay dawladaha  Masar iyo Erateeraya ayaa ku soo aadaya Xili I kabadan 120 dawadood ay garab istaa u mujiyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya kana digay Heshiiska Itoobiya ay la gashay Soomaaliland kaas oo ay ku tilmaameen Mid sharcidaro ah.