Imbigathi Cusub oo Somalia loo wado iyo Nairobi oo shir looga furaay (sabab)!!

Reading Time: 3 minutes

Waxaa magaalada Nairobi ku sugan madaxda dolwad goboleedyada Soomaaliya ( marka laga reebo Hirshabeelle) iyo madax iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka. Kulamadaan oo gogol xaar u ah shirka Garowe ee bishan gudaheeda dhici doono.

Madax goboleedyada oo xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federalka ah hakiyay, waxay kulamo kala duwan la yeesheen safiirrada dowladaha daneeya Soomaaliya. Waxaa muuqato in dowladahaas ay ku qanceen arrimaha ay soo bandhigeen madaxda dowlad gonoleedyada. Sidoo kale dowladda Keenya oo rajo badan ka qabtay Madaxweyne Farmaajo ayaa billowday inay garab istaagto kooxaha isbadal doonka ah oo u arka inaan dalka sidaan lagu si daawan karin

Dhinaca kale, waxaa qaati jooga Dowladaha deeqaha bixiya oo aay u muuqatay in dhaqaale kasta oo aay bixiyaan uusan ku socon waddo sax ah ee ay kooxda dalka maamushaa ku takri fasho kuna fushato arrimo siyaasadeed iyo kuwa shakhsiyadeed,  taasoo aysan wax dan ah ugu jirin dadkii deeqaha loogu talagalay iyo kuwii bixiyeyba. Dawladahaas ayaa ku talinaya in la soo celiyo habkii khaldanaa ee  kaalmada is garab yaaca ahayd ( dual track) taas oo ah in dalka dib loogu celiyey si dadban ku meel gaarnimo . Habkaan oo macnaheedu yahay in beesha caalamku si toos ah ula macaamisho dowlad goboleedyada iyadoo aan loo soo marin dowladda Federalka, waayo dawladda Fedreaalka ayaa lumisay aaminkii iyo hogaamintii ay dalka ugu timid, waana habkii loo isticmaali jiray xilligii dowladaha kmg ah laakiin ku soo afjarmay dhismahii dowlad la aqoonsan yahay sanadkii 2012.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa ka codsatay dolwadda Kenya inay dhexdhexaadiso  iyada iyo dowlad goboleedyada. Tan oo macnaheedu yahay  maarkale dawladdaan Farmajo ay abuurtay in New Imbigathi, una rartay xaalkii dalkeenna in looga hadlo dibadda dalka iyo Kenya iyadoo uu joogo Barlamankii dalka, walow ay fadhiid ka dhigtay.  Dowladda Kenya way aqbashay codsigaas si farxad leh, laakiin dowlad goboleedyada ayaa shardi ka dhigay in madaxweyne Farmaajo uu soo fadhiisto wadahadalka, halka dowladda Federalka ahna ay ku adkaysanayso inuu matalo RW Khayre. Markii ay MOL la xiriiirtay qaar ka mid madaxda gobollada waxay u sheegeen inay rabaan in dawladaha deriska iyo beesha caalamka aay faahmaan in MW faarmajo uusan ballan lahayn oo aan dalka lagu haallayn.

Xog MOL ay heshay ayaa sheegeysay MW Axmed Madoobe uu si adag ula hadlay Martin Dale oo ah shkhsi aad uga dhow dawladda Federaalka , kana socda Safaaradda Mareykanka. Axmed Madoobe ayaa u sheegay in Martin Dale uu ku kaalmeynayo daawlaadda Farmaajo inay daalka burburiso.

Waxaa caado ahaan jirtay in MW Xasan Sheekh uusan marnaba ka gabban jirin inuu koox iyo mid mid uu ula xaalo Madaxda Maamul goboleedyada si kasta oo ay xaaladdu u adag tahay haddana waxaana ugu dambeynta ka soo bixi jiray kulamadooda guddoon loo dhan yahay.

Inkastoo hogaanka barlamanka uu fadhiid yahay haddana waxaa mar waliba jira xildhibaanno ku dadaala in horay loo socdo, walow kuwa caada qaatayaal ah ay soo hormaraan. Wararka ay heleyso MOL ayaa sheegaya in ay Nayroobi ku sii jeedaan xildhibaanno labada gole oo la tashi la yeelano madaxda maamul goboleedyada sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa dowladda uu hoggaamiyo MW Farmaajo oo ku fashilantay arrimaha amniga, siyaasadda iyo isku haynta dalka.

Waxay u egtahay in dalka uu sii galayo xaalaad adaga waxaana laga rabaa xildhibaanada iyo Maadaxda maamul goboleedyadaa inay gutaan waajibaadkooda distuuriga ah ee dalka badbaadiyaan, intey kala aragti duwanaantooda meel iska dhigaan. Waxaa cad inaan dawladda waxba lagula heshiin karin oo ay rabto inay burburiso dhammaan maamul goboleedyada sida dhibka badan lagu soo dhisay. MW Waare oo la heshiiyey dawladda Fedraalka  middi ayey dhabarka kaga dhufteen oo waxaa mooshinkiisa soo qoay xafiiska RW Kheyre isagoo uu ku tufay , una rajeeyey Guul MW Farmajo. Waxaana hawshaan u xil saaran Gudoomiyaha Barlamanka HirShabeelle oo haysta wakaaladda MW Farmajo; Xusuuso “ Guddoomiyayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug waan idin la shaqeyneyn doonnaa” MW Farmajo.