IMF oo Jareysa Kabka Miisaaniyadd ay na  Siiyaan Somalia iyo Beentii Beyle oo Baanka Timid.

Reading Time: 2 minutes

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dib u cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la jari karo xaaladaha uu dal uku sugan yahay iyo fashilka Hagidda iyo hogaaminta dalka ku timid darted.

  1. Doorashada oo dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, waxaana dowladda 26-kii bishii Febraayo ay mar kale kordhisay waqtiga codeynta ee aqalka hoose ee baarlamaanka ilaa 15 Marso oo ay ka hartay hal todobaad oo kaliya.
  2. Miisaaniyadda loo gudbiyey ee kabkeeda laga rabo oo aysan barlamaanka anixinin, una muuqa qorsho macmal ah oo la iska sameystay meel loo raacana aan la hayn.
  3. Dowladda soo socota oo dhici karta inay qorshaha weydaarsan danta qaranka inay tuurto maalinta ay talada la wareegto.
  4. Beyle oo marwaliba ka shaqeynayey been aan mar waliba dan u ahayn dalka iyo dadka Somaliyeed waqtigana uu soo ka shifay inaan waxba laga qaban wixii loo baahnaa muddadii 5-ta sano ahayd, waxayna hay’adda ku hanjabtay in wax waliba eber laga soo billaabi doono.

“Xallinta waqtigeeda ee hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo dhammeeyo doorashooyinku waxay muhiim u tahay in laga hortago in si toos ah u dhaco barnaamijka ay taageerto IMF,” Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay ka dib wadatashiyo toos ah oo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, balse waxaa laga yaabaa in maamul cusub uusan imaan Soomaaliya waqtigii loogu talagalay in lagu taageero isbedellada la qorsheeyay.

IMF waxaa ay sheegtay in Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waqtigiisa uu ku ekaa bishii February ee sanadkii hore, balse doorashadii loo qorsheeyay ay dib u dhac ku yimid markii uu isku dayay inuu waqti kororsado.

Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington bishii March 2020 ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyadoo la raacayo hindise-sharciyeedka dalalka deymaha leh, kaas oo ka dhimi doona culeyska deynta dalka oo gaaraya $557 milyan halka uu ka ahaa $5.2 bilyan, marka uu dhammeeyay dib u habeynta.

“Si barnaamijka loo sii wado, Madaxda IMF-ta -markii madaxweyne loo doorto Soomaaliya waxay xaqiijinayaan sida ay mas’uuliyiinta uga go’an tahay barnaamijka dhaqaalah & deyn cafinta ayaa lagu yiri” War kasoo baxay IMF.

Hadalkan wuxuu muujinayaa in dowladdaan Farmajo uu madaxdweynaha ka ahaa aysan marnaba qaban shaqadii laga rabay, waxaana dowladdii ka horreysay Xasan Sheekh Maxamuud ay muddo yar ku qabatay wajiyada 1-3 waxaana nus joogaya wajiga ugu dambeeyaee 4aad ee deyn cafinta, laakiin kuwii hore ayaaba burburay oo wixii lagu ballamay lama qaban.

Waxaa kaloo xusid mudan in warbixinta IMF aan  lagu xusin in dhakhligii dawladda oo hoos u dhacay laga Soo bilaabo bishii June 2021. Taasoo laga dareemay in sannadkaan 2022 miisaaniyaddii dawladda ee ku talo gal ahayd hoos loo dhigay.

Waxaase is weydiin mudan dawladda xaggeey ka keentay lacaga lagu bixiyo kharajyadaa sida siyaasadda, mushaharka Ciidamada mahadama wasiir Beyle sheegay sannadkii hore in SAKXADDA LA TAAGAN YAHAY, mise sida la tuhunsan yahay dawladda Qatar ayaa lacago kaash ah oo aan habraaca miisaaniyadda la marin ku Kharqiysay dalka taas oo ah dhibaato hor leh.

Waxaan rajeyneynaa inay noo dhasho hoggaan fahamsan baahida uu dalku u uqabo in la adeegdsado khibrad iyo aqoon ku aadan dhayidda boogaha wada damqanaya sida Ammaanka, dhaqaalaha, caafimaad iyo guud ahaan dib isugu soo celints bulshada kala fogaatay 5tii sano ee tagtay..