Imaraadka iyo Kenya oo kawada shaqaynaya qorsho ka dhan ah Al shabab

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Kenya ayaa in mudo ah waxa ay ka codsanaysay dowlada Soomaaliya in Soomaaliya taageerto qorshaha dowlada Kenya ee kooxda Al Shabaab loogu darayo liiska argagaxisada ee Qaramada Midoobay laakiin Dowlada Soomaaliya ayaa afrintaas ka hortimid isla markaana is horistaagtay.

Hadaba Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa in ay si rasmi u waydiisato Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ururka Alshabaab loo aqoonsado urur argagixiso oo Caalami ah.

Dowlada Kenya oo dhibaato ba’an ka soo gaaraty kooxda Al Shabaab ayaa doonaysa in ay indhaha caalamka ku soo jeediso  kooxda argagixisada Alshabaab.

Xogyaha Wasaaradda arrimaha dibada Kenya Macharia Kamau oo magaalada Nairobi kula kulmay wafti ka socday dowladda Imaraadka Carabta waxa uu sheegay in dowladiisu ay gollaha ammaanka u gudbin codsi loogu aqoonsanayo Alshabaab Urur Argagixiso oo Caalami ah.

Dowlada Imaaraadka ayaa balan qaaday in ay taageeri doonto qaybna ka noqon doonto qorshaha looga hortagayo kooxda Al Shabaab, gaar ahaan qaraarka la hordhigi doono Golaha Amaanka.

Macharia Kamau Wuxuu sheegay in Saraakiisha Imaraadka ay la saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhinaca amniga, sidoo kalena dowlada Imaraadku ay ka caawin doonto sidii qaraar looga soo saari lahaa ururka Alshabaab. “ Dhibaato badan ayay shabaab gaysteen, Kenya Kaliya ma aha ee gobolka iso guud ahaan Caalamka. Waa muhiim in dhammaan xoogeen isugu gayno sidii loola diriri lahaa Alshabaab” Sidaas waxaa yiri Macharia Kamau.

Qaramada Midoobay ayaa Alshabaab ku dartay liiska ururada argagixisada Caalamka, hase yeeshee gollaha ammaanku si rasmi ah uma aqoonsan Alshabaab inay yihiin urur argagixiso oo Caalami ah.