Imaaraat-ka oo Aqoonsaday Visaha Dalka ku galka Soomaaliland Iyo Soomaaliya oo laga saaray!!

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah uga saartay dalka Soomaaliya websitekeeda wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasoo si Online ah looga dalban jiray Visaha, waxayna ku badashay “The Republic of Somaliland”.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa codsiyada VISAHA u fasaxday dadka u dhashay Somaliland, waxaana si rasmi ah liiska looga saaray dalka Soomaaliya taasoo muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay khilaafka dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa gebi ahaanba Online Systemka ka saartay dalka Soomaaliya iyadoo lagu badalay Republic of Somaliland taasoo ay ula jeedo inay wanaajineyso xiriirka kala dhaxeeyo maamulkas maadaama Shirkadda DP world loo ogolaaday inay deegaanadaas maamlgashato.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!