Imaaraadka oo Puntland ka wado mashaariic waaweyn & DFS oo talo ku lahaynin

Reading Time: 2 minutes

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka bilaawday deegaanada Dowlad Goboledka Puntland Mashaariic waaweyn oo isugi jira garoomo diyaaradeed, Wadooyin, Cusbitaalo iyi dekado.

Masharaciidaan ayaa qaar kamida waxa ay ka bilaawdeen magalaada Boosaaso iyada oo dhawaana la dhagax dhigi doono wado “highway” taa oo  laga dhisi doono inta u dhaxeeyso xuduuda Itoobiya – degmada Goldogob ilaa dekada Garacad.

Waxaa sidoo kale la casriyeeyn doonaa dekada magalaada Boosaado  iyo dhismaha wadada isku xirta degaanada ka Gobolada Bari ee ku gaadaamay xeebaha Puntland kuwaas oo soo gali doona gudaha magaalada Garowe.

Markii ugu horeeysay ayaa degaanada hoosyimaada Puntland laga dhisi doonaa Hotel leh karaamada shanta Xidig “Five Star”, kaas oo noqon doonaa hotel noocaas oo markii u horeeysay laga dhiso  dalka Soomaaliya.

Mushaaraaciidaan oo socon doonaa labada sano ee soo socoto ayaa ah mashaariicdii ugu badnayd ee ay dowlada Imaaraadka ebid ka fuliso dalka Soomaaliya. Mashaaricidaan ayaa lagu qiyaasy inay ku bixi doono aduun kor u dhaafaya $150 Malyan oo lacagta maraykanka ah.

Talaabadan ay qaaday dowlada Imaaraadka ayaa imaanaysa iyada oo xirirka u dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka uu gabi ahaanba istaagay. Waxaan shaki ku jriin in dowlada Imaaradka u aragto Puntland dowlad ay kalsoni ku qabaan marka loo fiiriyo dowlada federalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxa haysta culays weyn kaas oo ah, hadii  MW  Xasan Sheekh ka hiryimaado mashaaricdaas oo uusan joojin karin,  waxa loo arkayaa mid cuqdo u qabo shacabka iyo dowlada Puntland, halka hadii uu ka aamusana uu noqon doono madaxeeyne ku kooban Muqdisho oo kali ah.