Imaaraadka oo markii ugu horeysay ka hadlay dilkii shaqaalaha DP World

Reading Time: < 1 minute

Asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii lagu dilay magalaada Boossaso nin u shaqeeyn jiray shirkada Maamusha Dekada Boossaaso. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowladda Imaaradka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan xaalada shaqaalaha Shirkada  P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World ee ku sugan Dekada Bosaaso.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si dhaw ula socoto Wasaarada baaritaanka maydka  Maareyihii shirkadda P&O  Paul Anthony Formosa oo ku jira Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland waxa ay ugu baaqday in ay si foojigan  u ilaaliso amniga shaqaalaha shirkada P & O Ports ee ku sugan magaalada Bosaaso ,si mashruuca balaarinta dekeda Bosaaso ay uga faa,iidaystaan shacabka reer Puntland .

Warkan ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee dowladda Imaaradka Carabta ayaa ugu dambayntii waxaa lagu sheegay in loo midoobo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa falalka guracan ee Argagixisada ay ku beegsanayaan madaxda shirkadaha caalamiga ah iyo shaqaalaha ajnabiga ah .

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!