Imaaraadka oo laga Masaafuriyay nin soo dhaweeyay Dadkii lagu xasuuqay New Zealand

Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga masaafuriyey dalkaasi sababo la xiriira isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay  lagu xasuuqay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo masaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay,  una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu masaafuriyey Ninkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here