Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Markab sida gargaar bani’aadminimo soo gaarsiiyay dalka la magac baxay Somaliland, oo loogu tallogalay dadka abaarahu saameeyeen ee gobolada dalka.
Gargaarka cunto oo ka koobnayd 188 Ton ee Dowladda Imaaraatka Carabtu ku wareejisay Somaliland ayaa looguna talo galay ku dhawaad 5,000 oo qoys, kuwaas oo ah dadka ay abaaruhu saameeyeena.
Hay’adda Sheikh Khalifa Bin Zayed Al-Nahyan oo gargaarka ku deeqday ayaa wakiilka Imaaraatka Caraba u fadhiya Somaliland Ambassador Abdallah Al-Naqbi ku wareejiyey Gudoomiyaha Hay’adda U-diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka (NADFOR) Faysal Cali Sheekh.