Imaaraadka Carabta oo ka Jawaab Celiyay Hadalkii Q.M Ee Ahaa Xadgudub Lagu Sameeyay Soomaaliya’’Dastuurka M/Goboleedyada waan aqoonsanahay’’

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea  ay dhawaan soo saareen warbixin ay ku eedeeyeen Imaaraadka Carabta taasi oo lagu sheegaayay in uu qabiyay Xayiraada Hubka ee saran Soomaalia ayaa waxaa arinkaasi  ka jawaabay Xukumadda Dubai.

Imaaraadka ayaa sheegay in uusan ku xad-gudbin sharci u yaala dalka Soomaaliya,Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixinta ay sheegtay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda ugu xadgudbayaan madax-bannaanida Soomaaliya.

 “Imaaraadka waxay heshiisyo la galeen maamullada ka jira Soomaaliya, si waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee dastuurka uu siinayo madax goboleedyada, si ay ugu guuleystaan amni, xasilooni iyo baraare”sidaasi ayaa lagu jiray Jawaabta Imaaraadka

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu soomaaliya ka Fuliyaa Howlo Muhiim ah taasi oo xoogeeda uu ka wado Maamulada Soomaaliland,Puntland Iyo qeeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.