Ciidamada AMISOM ayaa feejignaan dheeri ah kaga jira iney weeraro ku soo qaadaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Cabsida ugu weyn waxay ka jirtaa Xarunta Xalane oo Taliska ugu weyn ee AMISOM fariisina ay ku leeyihiin safaarado dhowr ah oo reer galbeed ah.
Waxaa la adkeeyay Ammaanka Guud ee xarunta Xalane,iyo xarumo kale oo AMISOM ku sugan yihiin,waxaana jidadka lagu jaray dhagax hor ah oo lagu micneeyay iney Difaac u yihiin Weerarada Ururka Al-Shabaab.
Dareenka AMISOM la soo gudboonaaday ayaa ku soo aadaya xilli ay soo dhowdahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan,Shabaabna ay kordhiyaan dagaalada ay qaadaan.
Al-Shabaab ayaa bisha Ramadaan ku micneeyay Bil Cibaado oo dagaalka I la kordhiyo waajib tahay,waxayna inta badan weerarada ku kordhiyaan magaalada Muqdisho.