Iyado xiisad kacsanan ah ay ka dhex jirto Xildhibanada Baarllamanka Hirshabeele iyo Madaxweyne Waare aya waxa wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ay shegayan in Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Maamulka Hirshabeele ay waxyeelo u geysteyn ilaalada Madaxweyne Waare.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Idow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Ilaalada madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare ay handadeen, islamarkaana ay jirdil ugu geysteen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.
Xildhibaan Idow ayaa shegay falkaasi lagula kacay ay tahay caburin la doonayo in lagu sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.
Xildhibaanka aya shegay arintasi ay hoos u dhigeyso horumarka la doonayo in ay gaaran bulshada ku dhaqan deganada Maamulka Hirshabeele iyo maamulkaasi.
Jirdilka iyo handadaada loo geytay xildhibanka aya kuso adeysa iyado xildhibanada maamulkaasi ay dhaliilsan yihin habmaamulka madaxweyne waare.