Ilaalada Madaxtooyadda oo Gacanta ku dhigtay Ruux laga shakiyay!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka hadda nasoo gaaraya Ciidamada Koofi gaduuda ee ka tirsan Madaxtooyadda Somaliya, ayaa gacanta ku dhigay ruux laga shakiyay, kaasi oo ciidanka ay ku qabteen agagaarka Hotelka SYL ee Madaxtooyadda u dhaw,Ninkaan ayaa la sheegay inuu maraayay meel ku dhaw Hotelka SYL, gaar ahaan Koontarool ciidanka Koofi gaduuda halkaasi ku leeyihiin, waxaana u yeeray askari oo ka shakiyay.

Shaqsigan laga shakiyay, ayaa markii loo yeeray, kadib su’aalo la waydiiyay, waxaana wararka ay sheegayaan in jeebkiisa laga helay dhawr aqoonsi kala duwan oo uu watay,Warar ayaa sheegaya inuu sii batay tuhunka ninkaan laga qaaday, kadibna loo kaxeeyay Madaxtooyadda Somaliya gudaheeda, halkaasi oo Saraakiisha ciidamada Koofi gaduuda ay ku wareysanayaan.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay dhalinyaro, qaab ahaana meelaha uu eeg eegaayay xilliga ciidamada ay qabanayeen, waxaana laga shakiyay eegmadiisa meelaha,Feejignaanta ciidamada Koofi gaduuda ayaa la kordhiyay wixii ka dambeeyay isku dayadii weerar ee Shabaab ay ku sameeyeen xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya.