Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo dilay qof shacab ah

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Puntland, Ciidamada  Ilaamada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa  xalay dileen qof shacab ah oo dumar ah kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay oo Rakaab ah.

Warka ayaa intaas ku daraya, ciidanka dilka gaystay ayaa ah kuwa gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni, waxaana goorta uu dilku dhacayay ay galbinayeen sida la sheegay madaxweynaha, oo dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee maamulkaasi.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaariga ay sarnayd Gabdha la dilay uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo la socday Siciid Deni, waxaana ay rasaas ku fureen gaariga ay la socotay Marxuumad Maryan Axmed Caato oo ah Gabadha ay dileen Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Mamaulkaasi Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay socdaal ku maray degaanno ka tirsan Puntland, waxaana ugu dambeyntii uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Maamulkaasi ee Garowe.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!