Ilaalada Cali Guudlaawe iyo Ciidamo Milatari ah oo Ku Dagaalamay Magaalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in is rasaaseyn ey dhexmartay qaar ka tiran ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ciidamo Millitari ah oo hoostaga Guutada Labaad.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Millitariga Guutada Labaad Kontorool ay ku sugnaayeen ay soo mareen Ciidankan kale oo watay gaadiid dagaal, kadibna uu soo kala dhexgalay kala shaki sidaasina ay isku rasaaseeyeen.

Inta la xaqiijiyay Hal Askari ayaa ku geeryooday falkan dhacay, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba kale, oo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!