Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa uga digtay inuu Fahad Yaasiin inuu magaalada Beledweyne u tago kursi xildhibaan oo uu doonayo inuu isku qariyo.
Shir jaraa’id oo qiiro leh ayey maanta ku qabatay Qaali Maxamuud Guhaad, waxayna sheegtay inaysan dhici karin inuu Fahad Yaasin oo gabadheedii ku maqan tahay uu magaalada Beledweyne u tago Kursi xildhibaan si uu xasaand ugu helo.
“Magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan waxaa u soo soo socda inuu xil ka qaato Fahad Yaasiin, isagoo ka raadinaayo xil uu ku dhuunto, iyadoo gabadheyda Ikraan ay ku maqan tahay. Labada qabiil ee ugu waaweyn ayey ka dhalatay gabadheyda -Xawaadle iyo Gaaljecel-, sidee Fahad Yaasiin kursi uga soo doonan karaa..” ayey tiri Hooyo Qaali Guhaad.
Arrintan ayaa ka dhalatay kadib meermeerin muddo dheer lagu hayey kiiska Ikraan Tahliil, oo aan cadaalad helin muddo ka badan 6 bilood, waxayn xaaladan u muuqataa mid faraha kasii baxeysa.