IImaanka beesha Mudulood oo ka digay Ciidan beeleedka “Xasilinta”

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka loogu magac-daray Xasilinta ee uu sida qaaska ah u sameeystay RW Xassan Cali Kheyre ayaa ka wado dhaq-dhaqaaq dagaal magalada Muqadishu kaas oo ujeedadiisa lagu sheegay in ay tahay in ay xasiliyaan magaalada Muqadishu laakiin ujeedadeedu dhabta ah ay tahay in lagula dagaalo beelaha dagan magaalada Muqadishu. Imaanka Muduoold ayaa sheegay in ay wal walk a qabaan in ciidan beeleedka xasilinta. Imaanka ayaa yiri “.ciidanka xasilinta intiisa badan waxaa laga soo xulay hal jufo oo jufada Murusade , isla markaana uu hogaamiye looga dhigay nin ka soo jeeda jufadaas, Ra’isal Wasaarihiina kor ka maamulayo uma aragno no ciidan xasilin ee waxaan u aragnaa ciidan beelo qaas la doonayo in lagula dagaalo” Imaanka ayaa ku daray “ dowladda waa rabnaa waa soo dhawaynaynaa, walaalaheen Murusade waa jecelnahay, laakiin marnaba kama yeelayno in beel loo hubeeyo beel kale, wixii ka dhashana Madaxweyne Farmaajo ayaa mas’uuliyadeeda qadaya”

Waxaa ka socda magaalada Muqadishu shirar beeleedyo arintaan looga soo horjeedo. RW Kheyre ayaa ay ugu muuqatay in uu qasab ku qabsado shacab degan Muqadishu oo horay dagaal uga soo daalay. Aqoon yahay Xassan Shiikh ayaa yiri “ dagaal beeleed iyo abaabul qabiil waa lagu soo daalay, RW Kheyre waa ku qaldan yahay jidka uu ku socdo ee ah dad ayaan qabsanayaa anaiga oo isticmaalayo awood dowladeed, waxaa ay ila tahay in beesha uu ka soo jeedo RW Kheyre u caqli celiso oo ay qabtaan” waxa uu ku daray “ dowlada hadda noo jirtaa waa in aan wada ilaashano oo yaan dib dalka loo celin, dagaal qabiil cida uu dhib ku yahay horay ayaa loo soo arkay”