Igu sawir oo sabab u noqotay in saraakiil badan la dilo & Dagaalkana hakad galiso!

Reading Time: 3 minutes

Iyada oo ciidamada Xooga dalka Soomaaliya  iyo shacabka deeganada oo iskaalmeysanaya  ku guuleysteen inay cadowga ka saaran deegaano badan ayaa waxa shacabka iyo ciidanka la soo daristay fashil abaabul kaas oo ka yimid siyaasiyiin igu sawir u tagaya goobaha  uu dagaalka ka dhanka ah Al Shabaan ka socdo.

Siyaasiyiintaan oo aan wax damiir ah iyo caqli hogaamiya lahaynin ayaa waxa ay gawaari iyo ciidan xoog leh ku tagaan goobaha Al Shabaab  dhawaan laga saaray, waxa ayna halkaas isaga soo qaadaan sawir loogu baahiyo baraha bulshada.

Qaar kamida siyaasyiintaas oo uu u horeeyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulkadir Maxamed Nur ayaa waxa ay deeganada la qabtay ku tagaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca kuwaas oo ay siiyaan ciidanka ATMIS. Diyaaradahan ayau ku tagaan goobaha dagaalka ka dibna sawiro ayaa ay isaga soo qaadaan.

AL Shabaab oo ah cadow tababar fiican u qabo dagaalka dhuumaalaysiga ah ayaa sawirada la soo dhigo baraha bulshada waxa ay ka dhex eeganayaa astaamo u suuragalinaya in ay dagaal gaadmo ah  ku soo qadaan deeganadaas.

Dhanka waxa iyadana  jira cabsi la soo daristay saraakiisha hogaaminaysa dagaalka kuwaas oo u arko igu sawir wasiirada iyo xildhibaanada kuwo  dhabar jab ku ah dagaalka ka dhanka ah ururka argagaxisada Al Shabaab.

“Ma iyaga na soo booqday ayaanu ilaalinaa  mise Al Shabaab ayaa la dagaalnaa”, sidaas waxa yiri mid kamida saraakiishaas oo ka gaabsaday in aan magaciisa baahino.

Saarkaal kale ayaa sheegay in niyad jab ay  kala kulmeen madax ku sheega soo booqata goobaha dagaalka, sababtoo ah waxa ay goobaha lagla xureeyay  Al Shabaab la yimaadaan ciidan iyo hub badan oo iyagu ay isku ilaalinayaan, marka ay sawirada iska qaadaana waxa ay la noqdaan ciidankii iyo hubkii ay wateen kaas oo looga baahan yahay goobaha dagaalka.

“Hal mas’uul ayaa la yimid sideed teckniko ah, anaga dagaalka ku jirnaa shan ayaanu haysaa,.. markaas ayuu inta uu isku kaaya sawiray ayuu la noqday ciidankaas iyo hubkaas faraha badan leh…. Xataa waa ka xishoon waayay inuu maalintaa qadada ka bixyo ciidankii uu isku sawiray. Ayuu yiri sarkaal kale.

Hadii aan wax laga badalin caqligaan gaaban waxaan shaki juri in saraakil, badan ay Soomaaliya ugu dhiman doonto dagaalka kooxda naf lacaariga oo ay wadaan.